BCG Vaccine: Information for Parents – Somali version

Reviewed
June 2019
This resource relates to the following topics:

Tallaalka BCG – Macluumaadka waalidiinta. Information in Somali about tuberculosis (TB) and the BCG vaccination enabling parents/caregivers to make an informed decision about having their baby vaccinated.

Download resource

Download PDF

Details

Reviewed
June 2019
Updated
February 2015
Format
Pamphlet DLE
Type
PDF download
HE code
HE2219
Language
Somali

The full resource:

Dhallaanka iyo Carruurta oo halista ugu jiro in ay qaadaan Tiibishada (TB)

Waa maxay tallaalka BCG?

Tallaalka BCG waa cirbid la siiyo carrurta ku jira halis sareyso oo qaadista Tiibishada.

Tallaalka BCG wuxuu ka caawiyaa carruurta difaaca jirka wuxuuna la dagaalamaa jeermiska sababa Tiibishada iyo wuxuu caawiyaa ka hortaga qaadista Tiibisho halis ah.

Tallaalka BCG BILAASH ayay utahay carrurta ka yar 5 sanno kuwaas oo halis sareyso ugu jiro qaadista Tiibishada.

Yaa loo baahan yahay inay qaataan tallaalka BCG?

Tallaalka Bacille Calmitte-Guérin (BCG) waxaa la siiyaa carruurta ka yar da’da 5 ta sanno ku waas oo halis sareysa ugu jiro in ay qaadaan Tiibishada TB.

Cunuggaagu wuxuu halis dheeraad ah ugu jiraa in uu Tiibisho qaadoiyo wuxuu xaq uleeyahay tallaalka BCG haddii isaga ama iyada:

  • oo ku noolaanayo guri ama qoys oo qabo midkood Tiibishada hadeer ama taariiq hore oo Tiibisho
  • ma jiraa hal ama labada waalid ama xubnaha qoyska ama daryeelashaasha kuwaas oo (shanti sanno ee ugu dambaysay) oo ay ku noolaayeen muddo lix bilood ah ama ka badan waddan oo ay ku sareyso Tiibishida
  • oo ku noolaanayo saddex bilood ah ama ka badan (inta lagu gudo jiray shantooda sanno ee ugu horeysay) waddan qaba tiro sareyso oo Tiibishada iyo waxay u badan tahay in uu ka qaado kuwaas Tiibishada.

Umulisadaada amaa ama dhaqtarkaaga ayaa kugula talinayo hadii canugaada uu ku jiro halis sareyso oo qqdista Tiibishada ah. Sida tilmaanta guud dhinacyada xiga waxay leeyihiin halis sareyso oo Tiibisho ah:

  • Afrikada badankeed
  • Inta badan Koonfurta Ameerika ah
  • Ruushka iyo waddamadii hore loo oran jiray Midowga Soofiyeeti
  • Qaarad yarta Hindiya
  • Shiinaha oo ay weheliyaan Hong Kong iyo Taiwan
  • Aasiyada Koonfur-Bari (marka laga reebo Singapore)
  • Qaar ka mid ah waddamada Baasifikada (marka laga reebo Cook Island, Niue, Samoa, Tokelau iyo Tonga).

Waa maxay TB?

  • TB waa cudur faafa. Waxay keeni kartaa daal, qufac, qandho, iyo neefsashada oo qofka ku adkaata.
  • TB-du waxay badanaa wax yeeshaa sanbabada, waxay sidoo kale waxyeello u geysan kartaa qaybaha kale ee jirkaada sida qanjiraada yaryar ee dheecaanka ururiya, lafaha,xubnaha iyo kelyaha. Cudur Tiibisho halis ah waxay sababi kartaa cudurka maskaxda.
  • Tiibishada waxaa laysku qaadsiiyaa qufaca qof-kuqofka ah, candhuuf ama hindhisada oo hawada l a raacsiiyo.
  • Waxaa ka jiro ku dhawaadkii 300 oo dacwadood oo Tiibishada ah New Aealand sannadkiiba.

Sideen ayaan canugeyga uga ilaalin karaa Tiibishada?

Waxaad cunuggaaga ku tallaali kartaa talaalka Bacille Calmette-Guérin (BCG). Tallaalka wuxuu ka caawinayaa difaaca jirka oo adkeynayo jeermiska sababa Tiibishada iyo waxay ka caawineysaa in uu ka hortagtaa noqoshada Tiibisho halis ah.

Tallaalka waxaa loo siiyaa canugaada sida cirbad lagu durayo garabka kore.

Waa goorma waqtiga ugu habboon ee cunuggeygu qaadan karo tallaalka BCG?

  • Waxaa ku habboon in cunuggu tallaalka qaato maalmo ka dib markuu dhaso iyo ilaa iyo lix bilood jir, laakin waxaa la talaali karaa xili walba ilaa shan sanno.
  • Haddii cunuggaagu lix bilood ka weyn yahay, isaga ama iyada waxaa laga baarayaa si loo hubiyo hadii uu qabo Tiibishida. Waxay ku xirantahay natiijooyinka baaritaankaan. Waxaa laga yaabaa in cunugga tallaalka BCG la siiyo.

Sidee ayaan cunuggayga u tallaalaa?

Waxaad la hadli kartaa umulisadaada ama dhaqtarkaaga si aad u sameysid ballan. Waxaad sidoo kale la xiriiri kartaa adeegyada caafimaadka bulshada iyo weydii in aad la hadashid kalkaalisada BCG ee dhinacaada ah.

Tafaasiisha ka eeg bogga dambe.

Maxaa dhacaya tallaalka kaddib?

Fal-celin tallaalka BCG waa wax caadi ah, laakiin dhibaato waqti dheer qaadata waa dhif. Carruurta badanaa waxay la kulmaan xanuun dhinaca tallaalka ah. Markay boksooto, xanuunka laga yaabo in uu calaamad ku reebo.

  • 1 ilaa 6 isbuuc gudahooda, fin yar oo gaduudan ayaa laga yaabaa in uu ka muuqdo meesha cirbada laga duray.
  • 6-12 isbuuc ka dib,finka waxaa laga yaabaa in uu usu badelo mid yar, oo xanuunayo. Hadii tani ay dhacdo, ku dabool dhinaca faashada si aad ugu ogolaatid aariyo in ay soo gasho. Ha isticmaalin sharootada koolada.
  • Xanuunka waxaa laga yaabaa in ay qaadato ilaa 3 bilood in ay boksooto, iyo laga yaabo in ay ku reebto calaamad yar. Tani waa caadi.

Waxtarka tallaalku intee le’eg yahay?

Iyadoo tallaalka BCG aan ka hortagin aabuqyada jeermiska sababo Tiibishada, waxay ka caawisaa carruurta in ay ka hortagto qaadista Tiibisho halis ah.

Muddo intee le’eg ayuu difaaca tallaalku jirayaa?

Daraasado ayaa muujinay in tallaalka BCB uu ka hortago cudurada Tiibishada halista ah ilaa 15 sanno tallaalka ka dib.

Wixii warbixin dheeraad ah

Ministry of Health - Tuberculosis